Xaaf oo Baaq nabadeed kasoo saaray Dagaalo Khasaaro geystay

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Qoraal uu soo saaray Xaaf ayuu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan xal looga gaaro dagaalada kasoo cusboonaaday deegaanada Xananbuure iyo Qalaanqal, kuwaasi oo geystay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada.

Sidoo kale Madaxda sare ee Maamulka Galmudug iyo Odayaasha dhaqan waxgaradka dhinacyada ayuu ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan sidii uusan u daadan laheyn dhiig dambe.

“Waxaa nooga baxay dad muhiim ah waxa ay u dhimanayaa waa micno daro wax laga aamusi karana ma ahan waa in talaabo degdeg ah la qaado oo arinta la xaliyo” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka Xananbuure ee Galgaduud ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana halkaas ku dhintay 11 qof oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee shaqada Galmudug, halka 25 qof kalena uu dhaawac soo gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media