Wiil Soomaali ah oo Tahriib ku galay dalka Talyaaniga oo ku guuleystay Doorasho

Cabdullaahi Axmed Macallin, oo ah wiil dhalinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa habeenkii Isniinta noqday qofkii ugu horreeyay oo muhaajir ah oo ka mid noqdo Xildhibaannada Golayaasha Deegaanka ee dalka Talyaaniga.

Cabdullaahi Axmed ayaa ku guuleystay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino ee Waqooyiga dalka Talyaaniga, kaddib marki ay sharraxeen xisbiga Dimoqraadiga.

Wiilkan Soomaaliga ah ee Cabdullaahi Axmed Macallin ayaa sanadkii 2008-dii waxaa uu qaab soo galooti ah ku tagay Jaziirada Lampedusa, isla markaana waxaa uu noqday qofkii ugu horreeyay oo tahriibe ah oo ka mid noqdo Xildhibaannada Golayaasha Deegaanka.

C/llaahi ayaa ku dhashay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho sanadkii 1988, waxaana sanadkii 2016 uu qaatay dhalashada dalka Talyaaniga, sidoo kale sanadkii 2014 ayaa loo aqoonsaday Muwaadin sharafeed magaalada uu deganaa.

Guusha uu doorashada  ka gaaray Cabdullaahi Axmed Macallin ee uu uga mid noqday Xildhibaannada Golayaasha Deegaanka ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa soo dhaweeyay Soomaali farabadan oo kunool dalkaas, iyagoona u hambalyeeyay Cabdullaahi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor