Wiil Koonfur Afrika uga yimid inuu ka shaqeysto Magaalada Muqdisho oo la dilay

Kooxo hubeysan ayaa xalay gudaha degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Wiil dhalinyaro oo Darawal ka ahaa Mooto Bajaaj uu ku shaqeysanayay, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Darawalka xiligii la dilayay uu watay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad soo kireystay oo uu meel u waday, balse waxaa wadada u galay burcad hubeysan oo dooneysay inay Darawalka ka dhacaan Mootada, balse ay dileen.

Darawalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Xasan Nuur Cali oo loo yaqaanay Xasan Alonso, waxaana Marxuuka uu u geeriyooday rasaas lagu dhuftay, isagoo kamid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.

Xasan Nuur ayaa inta uusan imaan Magaalada Muqdisho waxaa uu kamid ahaa Dhallinyarada ugu caansan Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika, isla markaana ahaa Ganacsade da’yar, balse wuxuu u soo wareegsaday Muqdisho, si uu uga shaqeysto.

Baraha Bulshada ayaa waxaa hareeyay tacsi tiiraanyo leh oo loo dirayo qoyska iyo Ehelada Marxuum Xasan Nuur Cali, waxaana lagu wadaa in Aas loogu sameeyo Marxuumka  qaruulo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor