Wiil Dhallinyaro ah oo Caawa Muqdisho ugu geeriyooday rasaas ay ku fureen Ciidamo

Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa Caawa agagaarka Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho fal dhaawac ah ugu geystay Wiil dhalinyaro ah oo sida la sheegay saarnaa Mooto Bajaaj.

Dad goobjoogayaal ayaa soo weriyey in Wiilka dhalinyrada uu rasaasta kasoo gaaray dhaawac halis ah, isla markaana waxaa durbadii loo qaaday Isbitaalka Digfeer, si xaaladdiisa Caafimaad loogu dabiibo.

Dhowr daqiiqo kahor ayaa waxaa la xaqiijiyay in Wiilka dhalinyarada ahaa uu u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray rasaasta ay Ciidamo ka tirsan dowladda ku fureen, xili uu marayay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud, isagoona ahaa Wiil dhalinyaro ah, waxaana geeridiisa ay hareysay baraha Bulshada, iyadoona loo tacsiyeynayay.

Falkaan ayaa kusoo aaday, iyada oo xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka ay Isgoyska Dabka ku dileen Wiil iyo Gabar walaalo ahaa oo lagu kala magacaabi jiray Sakariye Maxamuud Xasan iyo Sowdo Maxamuud Xasan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor