Wiil dhalinyaro ah oo ku geeriyooday Badda Warsheekh iyo faah faahin kasoo baxeysa

Wararka aan ka heleyno degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in barqadii Maanta meel ku dhow xeebta degmadaas uu ku geeriyooday Wiil dhalinyaro ah oo badda ay qaaday.

Dad ku sugan Warsheekh oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Wiilka dhalinyarada ahaa ay badda ka qaaday halka loo yaqaano Qululubta ee xigta dhinaca Waqooyi, xili uu halkaas badda uga dabaalanayey.

Allaha u naxariistee Wiilka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Xuseen, waxaana xeebta gaaray dadweyne farabadan oo qaarkood soo qaaday Meydka Marxuumka.

Maxamed Axmed ayaa kamid ahaa Xer Subacley ah oo maalmo kahor degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle u tegay ka qeyb galka siyaaro ka socota degmadaas.

Daqiiqado kadib ayaa Marxuum Maxamed Axmed Xuseen lagu aasi doonaa qabuuro ku yaalla gudaha Warsheekh, waxaana geeridiisa ka naxay Qoyskiisa iyo Culumadii diinka soo baray, maadaama uu ahaa wadaad Subacley ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor