Wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso Magalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow Wariyeyaasha looga yeeray Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magalada Baydhabo.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shir jaraa’id qaban doono,balse lama oga in uu ka tanaasuli doono musharaxnimadiisa,maadaama maalmahaan la hadal haayay in uu tanaasulayo.
Wariyeyaasheena oo ku sugan Magalada Baydhabo ayaa waxa ay soo sheegayan in Gelinkii dambe ee Maanta lagu wargeliyay inay yimaadaan Xarunta Madaxtooyada.
Dadka Soomaaliyeed ayaa maalmahaan Isha waxa ay ku hayaan doorashooyinka Koonfur Galbeed oo lagu wado inay dhacdo 17 Bishaan oo maalmo qura inaga xigaan.
Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com