Weerraro hor leh oo ka dhacay tuulooyin ku yaalla galbeedka Oromiya iyo Khasaaraha oo sii kordhay

Weerraro hor leh ayaa ka dhacay tuulooyin fogfog oo ku yaalla galbeedka gobolka Oromiya ee Itoobiya. Dad badan ayaa ku dhintay, guryana waa lagu gubay sida ay goobjoogeyaal u sheegeen BBC-da.

Weerarradan oo billowday abbaarihii lixdii aroornimo ee shalay ayaa socday ugu yaraan saddex saacadood. Waxay ka dhaceen degmada Hawa Gellan ee gobolka Oromiya, waxaana lagu beegsaday tuulooyin ay ku nool yihiin dad looga tirada badan yahay aaggaas ee ka soo jeeda qowmiyadda Amxaara.

Rabshadaha ugu dambeeyay ayaa yimid labo toddobaad kaddib weerarro la mid ah oo ka dhacay galbeedka gobolka Oromiya oo sida laga soo xigtay dowladda lagu dilay 338 qof oo rayid ah.

Way adag tahay in la xaqiijiyo tirada dhabta ah ee dadka la dilay maaddaama aan wali la wada helin meydadka dadka loo malaynayo in la laayay. Laakiin, waxaa laga yaabaa in ay kor u dhaafto 150 qof oo ay ku jiraan carruur, sida ay sheegeen labo ka tirsan goobjoogeyaasha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor