Weeraro kala duwan oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Bari

Wararka laga helay deegaano ka tirsan gobolada dalka ayaa sheegaya in Alshabaab saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen weeraro kala duwan waxaana kasoo baxaya faahfaahin khasaaraha ka dhashay.

Sida ay xogta ku helayso Idacada dalsan Alshabaab ayaa weerar qaraxyo ah la beegsaday gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa kuwa Daraawiishta ee maamulka Puntland kaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Af-urur iyo Ceel-doofaar ee gobolka Bari iyada oo aysan jirin ilaa iyo haatan cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas lala eegtay ciidamada Daraawiishta Puntland.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyadaas hase’ahaate ma bixin faahfaahin intaas ka badan,Alshabaab ayaana sheegtay in gaadiid ay ku gubeen weerarkaas.

Dhinaca kalana wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa tilmaamaya in iyana weerar kale uu ka dhacay duleedka degmada Maxaas kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Dagaalka xooggiisa ayaa ka dhacay deegaanka Musse Gee lee duleedka magaalada Maxaas,Alshabaab ayaana sheegatay masuuliyadda iyaga oo sheegay in ay dilen Askar waloow aysan jirin ilo ka madaxbanaan oo xaqiijin kara.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media