Weerar xoogan oo lagu qaaday Ciidanka hubeysan ee Jeneraal Xuud

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in waaberigii hore ee saakay halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Maleeshiyaad ee uu wato Saraalka lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaano Xuud.

Dagaalkaas ayaa sigaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Baladweyne, waxaana sida la sheegay dagaalkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen Sarkaal Xuud iyo Maleeshiyaad hubeysan uu watay.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii saaka dhacay, waxaana adegan xaaladda deegaanka Ceel-gaal, iyadoona Ciidanka dowladda iyo Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame ay weli halkaas isku hor-fadhiyaan.

Jeneral Abuukar Warsame oo ka tirsanaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa diidan doorashadii dhacday Magaalada Jowhar oo ay kusoo baxeen Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Maalmihii lasoo dhaafay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa waday dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro Cabashooyinkii ka dhacay doorashadii ka dhacday Jowhar, hayeeshee waa ay guud-dareysteen, sida aan wararka ku helnay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in khamiistii lasoo dhaafay Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame ee Xuud ay la wareegeen Bar koontarool oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Ugaas Khaliif.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka qeybta 27-aad iyo maamulka Gobolka hiiraan oo ay uga hadlayaan dagaalkii saakay ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media