Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo xalay fiidkii hore ee ka dhacay Suuq ku yaalla Bartamaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose .

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Bam Gacmeedkaas lagu tuuray Suuqa Golole ayna xiligaas ku sugnaayeen dad shacab ah, isla markaana dadka uu soo gaaray Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hal qof ayaa ku geeriyooday halkaas, halka 10 qof kalena ay soo saareen dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo isugu jiray dad Ganacsato ah iyo dad kale, waxaana durbo la geeyay Isbitaalka weyn ee Kismaayo , iyagoo haatan xaaladood Caafimaad la dabiibayo.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xiliga weerarkaas uu ka dhacayay Suuqa Golole ay ka Agdhawaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Maamulka Jubbaland, iyagoo Jugta Bambada kadib furay rasaas farabadan oo aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan weerarkaas geystay Khasaaraha eek a dhacay Magaalada Kismaayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkii fuliyay weerarkaas goobta ay ka baxsadeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media