Weerar Madaafiic oo lagu qaaday Xarunta AMISOM ee Xalane

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Jugta madaafiic xoogan oo laga maqlay gudaha Xarunta Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee Xalane iyo Nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Tirro madaafiic ah ayaa la sheegay in saakay lagu weeraray Xarunta AMISOM ee Xalane oo ay ku dhex yaallaan Xafiisyada UN-ka iyo Safaarado dhowr ah oo ay leeyihiin reer Galbeedka.

Dadka degan agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa soo weriyay inay maqlayeen Jug xoogan oo madaafiic ah ayna dareemeen cabsi, iyagoona xusay in aysan ogeyn halka laga soo tuuray Madaafiicda.

Al-shabaab warar ay ku faafiyeen barahooda ay ku leeyihiin Internet-ka Al- ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka saakay lagu qaaday Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in ilaa iyo 7 madfac ay ku hoobteen Xarunta Xalane ay ku yaallaan xafiisyo dhowr ah, iyagoona xusay in weerarka dib la arkayay Qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareertay, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska AMISOM ee Soomaaliya iyo dowladda oo ay hadlayaan weerarkaas la sheegay in lagu qaaday Xarunta Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee Xalane.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media