Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho

Weerar loo adeegsaday madaafiic ayaa duhurnimadii Maanta lagu qaaday Xerada Xalane ee ku dhex taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda.

Dad ku sugan agagaarka Garoonka diyaaradaha oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay inay maqlayeen jugta ilaa iyo 6 madfac oo lagu tuuray dhinca Xerada Xalane oo ay degan yihiin Hay’addaha shisheeye iyo Taliska Ciidanka AMISOM.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha Xerada Xalane, isla markaana halkaas laga maqlay jugta madaafiicda, in kastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Al-shabaab ayaa horey sidaan oo kale weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaaday Xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo qaarkood ku dhacay Xafiisyo Hay’addo.

Weerarka madaafiicda aya kusoo aadaya, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda teendhada Afisyooni oo ku taala xeyndaabka Garoonka uu ka dhici doono shirka u dhaxeeya DFS, DG iyo Gobolka Banaadir oo ay soo qaban qaabisay Beesha Caalamka si heshiis looga gaaro fulinta hannaanka doorashada ee 17 September.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor