Weerar lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka AMISOM

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Saldhig Ciidanka Jabuuti ee AMISOM ay ku leeyihiin halkaas lagu qaaday weerar Madaafiic loo adeegsaday.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen Jugta Madaafiic Culus, isla markaana ay dareemeen cabsi, maadaama xiliga uu weerarka dhacayay ay aheyd waqti dambe oo dadka ay gurdayeen.

Ilaa iyo dhowr Madfac ayaa la sheegay inay ku dhaceen Saldhiga Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin Suuqa xoolaha  gaar ahaan Xaaladda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Weli si rasmi ah looga oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda lagu weeraray Saldhiga Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, siodoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweryne ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka AMISOM halkaas ay saakay ka wadaan howlgal kala duwan, iyadoo aan weli la sheegin  cid lagu soo qabtay howlgalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media