Weerar khasaaro geystay oo dhacay iyo faah faahin kasoo baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaan ku yaalla xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerarka oo ay geysteen rag hubeysan ayaa sigaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo garasle ee xuduudka Soomaliya iyo Itoobiya, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Inta la  xaqiijiyay saddex ruux oo ay ku jireen Odayaal da’ ah ayaa ku geeriyooday weerarkaas oo loo adeegsaday rasaas xoogan, laguna furauy dadkaas xili ay ku sugnaa hal goob, waxaana ku dhaawacmay qof kale oo goobta ka agdhawaa.

Deegaanka garasle ayaa 110-KM u jira Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, hayeeshee waxaa waxa ay xisaabsan tahay Gobolka Qoraxeey ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in dadkaas weerarka lagu qaado, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in falkaas uu yahay mid la xiriiro aano qabiil, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa mid raggii hubeysnaa ay ku doonayeen inya dhacaan dadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media