Weerar Gantaallo oo lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Mareykanka

Gantaallo ayaa  lala beegsaday meel u dhow saldhig Ciidamada Mareykan, ay ku lahayeen woqooyiga Caasimada Ciraaq ee Baqdaad, sida ay baahisay wakaaladda wararkaee  Faransiiska.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in laba gantaal ay ku soo dhaceen xayndaabka Saldhig Ciidamada Mareyka ay ku sugnayeen, kuwaa oo ka soo labtay  hawlgalka ay ka fuliyeen gobalka Diyaala ee dalkaas Ciraaq.

Waxii ka danbeeyay bilawga bishii Janaayo ee sanadkan ciidamada ku sugan Ciraaq, ayaa la kulmaayay weeraro qorsheysan oo is xig-xigay, oo si gaar ah loogu beegsanaayay  kuwa Mareykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor