Weerar Dad lagu dilay oo ka dhacay Mudug iyo faah faahin kasoo baxeysa

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega degmada Galdogab ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay weerar lagu dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Weerarkaan oo ay geysteen rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ahaayeen maleeshiyo beeleed ayaa waxaa uu ka dhacay degaan lagu magacaabo Dhagxanya-cadde oo ku dhow Galdogob, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay laba Nin oo xoolo dhaqato ahaa ayaa ku geeriyooday weerarka, halka mid kalena lagu dhaawacay, isla markaana waxaa goobta si dhaqsi ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas oo loo adeegsaday qori AK-47.

Wararka ayaa intaas waxay kusii darayaan in weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob uu yahay mid la xriira aano qabiil oo horey uga dhacday Gobolka Mudug.

Falkaan lagu dilay dadka xoolo-dhaqatada ayaa waxaa si kulul uga hadlay Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaarre ahna Gudoomiyaha gudiga arimaha bulshada Baarlamaanka Galmudug, wuuxuna laamaha amniga Maamulka ugu baaqay inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay weerarka dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor