Weerar Caawa ka dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho & howlgal ka socda

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar caawa lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Xaafad ka tirsan degmada Hiliwaa ee gobolkan Banaadir.

Xilliga uu weerarka dhacayay ayaa dad ku sugan degmada Hiliwaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Ciidamadu ay wateen Gaadiidka nooca dagaalka,sila markaana ay ku guda jireen bilaabitaanka hwolgallo hebeenkii ay ka sameeyaan Xaafadaha degmadaas.

Ciidamada ayaa waxa ay mar qura la kulmeen weerar,waxana rasaas ku furay rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,waxan ala ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Wararkii u dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya halka uu weerarka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan nawaaxiga halka uu weerarka ka dhacay ee degmada Hiliwaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor