Webiga Shabeelle oo fatahaad xoogan ka sameeyay Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa Xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Maagaaladaas ka socda Bakarac xoogan oo ay sameeynayaan inta badan dadka deegaanka.

Barakacaan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay uu halkaas fatahaad xoogan ka sameeyay Webiga Shabeelle oo maalmihii lasoo dhaafay laga cabsi qabay inuu fatahaad sameeyo.

Sawirro laga soo qaaday Baladweyne ayaa waxaa lagu arkayay boqlaal qoys oo barakac sameeynaya, iyagoona kusii jeeda deegaano ku yaaall duleedka Magaaladaas.

Maalmo kahor ayay aheyd markii fatahaad aan badneyn uu sameeyay Webiga, hayeeshee saacadihii lasoo dhaafay ayuu ku fatahaad xoogan sameeyay sida ay sheegeen dad ku sugan halkaas.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka jirta Cabsi laga qabo inuu fatahaado kale sameeyo Webiga Shabeelle, waxaana xusid mudan inuu socdo daadaalo lagu xirayo goobaha uu ka fataho Webiga.