Webiga Shabeelle oo fatahaad hor leh sameeyay

Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay Tuulooyin hoosyimaada magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle, waxaana ka mid ah deegaanada uu Wabiga ku fatahay Kalluundi, Timire iyo Maangaay oo dhammaan ku teedsan jiinka Wabaiga Shabeelle.

Fatahaadda ayaa saameyn ku yeelatay dhul beereed baaxad weyn oo dalagyada nuucyadooda kala duwan ay ku yaalaan.

Yacquub Buule, wuxuu ka mid yahay Beer tacbatada ku nool  Hareeraha Wabiga Shabeelle, wuxuuna hoosta ka xariiqay  in 500 oo hectar oo ku taalla tuulada Kalluundi  biyaha ay dhex ceegaagaan,kuwaas oo ku beeran dalagyo kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media