Webiga Shabeelle oo fatahaad cusub ka sameeyay degaano iyo cabsi jirta

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad ku sameeyey tuulda Boodaale oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Magaalada Jowhar ee Caasimada dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana laga helayaa faah faahino.

Fatahaada Webiga ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyadeed, waxaana la xaqiijiyay in laba Carruur ah oo biyaha ay qaadeen uu mid kamid ah meydkiisa baadi goob weli loogu jiro.

Wasiirka wasaarada Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle Maxamed Cumar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xaalada webiga xiligan ay tahay mid cabsi weyn ay ka qabaan, maadama biyihii ugu badnaa uu wado webigu suuro-galna ay tahay in deegaano hor leh looga barakaco.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Cumar oo hadalkiisa sii wada ayaa waxaa uu bulshada ugu baaqay laga qeyb qaato u gurmashada dadka ku barakacay fatahaada webiga shabeelle uu ka sameey tuulada Boodaala iyo deegaano kale oo hoostega Magaalada Jowhar.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka taagan casbi xoogan oo ay qadaan dadka deegaanka oo ku aadan in Webiga uu mar kale sameeyo fatahaad kale oo khasaaro geysata.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor