Webiga Jubba oo Fatahaad ka sameeyay degmada Baardheere

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya in wabiga Jubba ee mara degmadaasi uu xalay iyo saaka ku fatahay halkaasi,isla markaana uu geystay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray,dadka,Beeraha iyo Xoolaha.

Daadaku waxa ay la tageen dhammaan waxii dalag ahaa ee u baxaayey beeraleyda,waxaana lagu qiyaasay Beeraha ay waxyeeleeyeen daadadka ilaa 2270 beerood sidaas waxaa warbaahinta   u sheegay Maxamed C/raxiin Matow oo ah gudoomiyaha iskaashatada beeraleyda jubba ee Baardheere.

Waxaana guryahooda ka barakacay dad lagu qiyaasey ilaa 397 qoys oo ku nolaa hareeraha webiga

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media