Wax badan ka ogow Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka feerka

Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka olombikada ee ka socda Japan waxay ku tartamaysaa feerka.

Waxay galabta la ciyaari doonta gabadha u dhalatay dalka Romania ee lagu magacaabo Maria Claudia Nechita halkaas oo ay ku wada feertami doonaan.

Feerkooda ayaa noqonaya kii 16-aad ee tartankan.

Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali ayaa mar kale taariikh u sameynaysa dalkeeda, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada.

Sanadkii 2017 ayay aheyd markii Ramla ay ku guuleystayb tartanka feerka, waxay noqontay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah eek u guuleystay feer dalkaas.

Wixii ka dambeeyay guushaas waxay go’aansatay in Soomaaliya ay ku matasho tartanka Olimbikada gaar ahaan feerka.

Ramla Cali Gabadha ay maanta wajihi doonta ayaa lagu magacaabo Maria Claudia Nechita, taasi oo qayb ka ah Ciyaartooyda ka qayb galaysa tartanka feerka ee ciyaaraha Olimbikada Tokyo 2020.

Maria Claudia Nechita waxay ka socotaa dalka Romania, waxay ku biirtay ciyaaraha feerka markii 13 sano jir aheyd, Ka hor inta aysan ku biirin feerka waxay dheeli jirtay kubadda cagta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor