Wasiirkii hore ee Shaqada Galmudug oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu geeriyooday Wasiirkii shaqada iyo shaqaalaha Galmudug oo u geeriyooday dhaawac maanta kasoo gaaray dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi ayaa dhaawac culus uu kasoo gaaray dagaal laba maleeshiye beeleed ku dhexmaraya deegaanka Xananbuure kadib markii uu isku dayay in uu kala dhexgalo isagoo dhawacaas u geeriyooday.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa markiiba ka tacsiyeeysag geeridiisa iyaga oo eebe uga baryay in uu janadiisii Fardooso ka waraabiyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media