Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta oo Senator loo doortay

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji u doortay Senatar Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad.

Musharax Xasan Xuseen ayaa waxaa doorashaada kula tartamay Musharax Cabdiraxaman Maxamed Cabdullaahi, waxaana doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku guuleystay Xasan Xuseen.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa helay Codad gaaraya 74 Cod, halka Musharax Cabdiraxaman Maxamed uu isna helay 14 Cod, isla markaana waxaa halaabay Codad gaareya 3 Cod, iyda oo goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada.

Doorashada lagu dhameystirayo Xildhibaanada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Galbeed ayaa weli ka socota howlka Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas ee Magaalada Baydhabo.

Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah Maanta u bilowdey dhameystirka xubnaha Aqalka sare ku matali doona Afarta sano ee soo socota, waxaana horey loo doortay 5 Senator, kadib doorashado ka dhacday Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor