Wasiirka Waxbarashada oo ka hadlay shaqaaqo dhaxmartay Askar iyo Ardey Imtixaan galeysay

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Abuukar Carab ayaa ka hadlay shaqaaqo kooban oo Ciidanka Booliska dowladda Federaalka iyo Arday galeysay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare ee dalka ku dhexmartay degmada Xamarweyne.

Wasiir Cabdullaahi Carab oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in shaqaaqadii dhacday uusan ku dhaawacmin Arday iyo cid kaleba, isla markaana xusay in Arday Mobile iyo qish lagu qabtay ay buuqeen oo aysan jirin wax kale oo dhacay.

Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka in buuqii ay sameeyeen Arday galeysay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare uu xaliyey Booliska dowladda, uuna uga mahadceliyay tallaabadaas iyo sida ay u sugeen amniga goobaha Imtixaanaadka lagu galayey.

”Arday dhaawacmay ama wax noqday ma jiro,Mobile iyo qish lagu qabtay bay ka buuqeen wixiina Booliskaa xalliyey,Waalidiinta waxaan fareynaa imtixaanada soo socda inay Mobile-da kasoo reebaan” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Abuukar Carab.

Gaba-gabadii Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in Maanta uu soo dhammaaday Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare ee dalka, isla markaana ay u galeen 35 kun oo Arday, kuwaasi oo dhammeystay waxbarashadii Dugsiga Sare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor