Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo hakiyey Kireyntii Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawlgelinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka.

Isago oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Abwaanadda iyo fannaaniinta Qaranka ay muujiyeen cabasho eek u aadan arrintaan.

War qoraal ah ee ka soo u soo saaray wasiir warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe ayaa sidaan u qorna “Aniga oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor