Wasiirka Qorsheynta xilgaarsiinta oo loo diiday inuu Ilaalo la galo Magaalada Garoowe

Kolonyo uu la socday Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa lagu celiyay duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxaana la sheegay in loo diiday inuu Garoowe la galo gaadiid iyo Ilaalo la socotay.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi la socday ayaa ka yimid degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen, isagoona lagu amray in gaadiidka iyo ilaalada ku reebo duleedka Magaalada.

Dhinaca kale Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay Amar cusub oo ku socda Musharaxiinta u tartameysa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Puntland oo uu ku saxiixnaa Wasiir Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa waxaa lagu sheegay in Musharaxiinta Golaha Shacabka in aysan isticmaali karin gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah.

Puntland ayaa Mas’uuliyiinta Ururada siyaasadda Maamulka, Musharaxiinta Golayaasha deegaanada degmooyinka doorashooyinka ka dhacaya ka mamnuucday inay isticmaalaan gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah, waxaana loo sheegay in cidii sababo gaar ah uga maarmi weyda isticmaalka gaadiid inay la soo xiriirto Taliyaha Booliska Puntland.

Hoos ka Akhriso Go’aanka kasoo baxay Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor