Wasiirka Maaliyadda DFS oo kulan la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u habeynta dhaqaalaha, si Wasaaradda Maaliyadda ay awood ugu yeelato ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah ee COVID-19.

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo ka jawaabidda xaaladaha deg degga ah ee COVID-19 aan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay ka go’antahay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada wax ku ool ka ah ee fududeynaya ka jawaabidda marxaladaha COVID-19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor