Wasiirka Howlaha guud oo ka jawaabay eedeyn loo jeediyay RW Rooble

Taliye sare oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa soo jeediyey eedayn ah in saraakiil ka tirsan dawladda ay damacsan yihiin inay dhistaan dhul ay leeyihiin ciidamada badda Soomaaliya.

Hadalkan waxa sheegay taliyaha ciidamada badda Sarreeye Guuto Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliyaha ayaa muuqaal la siiyey warbaahinta ku sheegay in saraakiil sare oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay doonayaan inay dhistaan dhulka ciidanka badda.

Waxa uu sheegay dhulkii ciidanka loogu talogalay in dan shaqsiyadeed loo qaato si looga dhiso dhul lagu nasto, laguna raaxaysto, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Sarreeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe” oo ah Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta ayaa sheegay in eedaynta taliyaha ciidanka badda ay ku noqotay “argagax”.

Bashiir Goobe oo isna la hadlayey warbaahinta gudaha ayaa sheegay in anshaxa ciidamada aysan ku jirin in sarkaal darajo ciidan leh uu warbaahinta ja eedeeyo madaxda qaranka.

Waxa uu sheegay in ogaanshihiisa dhulkaasi aanu ahayn dhul ciidan. Waxa uu sheegay in dhulkaasi yahay dhul “yar” oo u dhexeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor