Wasiirka dhawaan la magacaabay ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay wefdi ka socday jarmalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,  Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa caawa Caasimadda Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo ka koobnaa Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka.

Kuwaas oo ay ay wehelinayeen Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Horumarinta Iskaashiga, Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dheef wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada iskaashiga, ka wada-shaqaynta amniga, horumarinta iyo maalgashiga, sidoo kale waxaana intii uu kulanku socday lagu lafo-guray xaaladaha guud ee Gobolka Geeska Afrika, geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka iyo la dagaallanka burcad badeedda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor