Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 64 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 24 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (55) iyo Puntland (9) qof ah, 34 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 30-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 15,929, waxaa bogsootay 7,783 Ruux. guud ahaan 858 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadasha talaalka cudurka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor