Wasiirka Awqaafta iyo Diinta “Waxaa dalka ku soo kordhayo faaxishnimo, munkarka, Daroogada”

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in dalku ay ku soo bateen waxyaabo fool xun, isla markaana ay qorsheyayaan sidii talaabo looga qaadi lahaa dadka waxyaabaha foosha xun faafinaya ee ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqankeenna suuban.

Wasiirka ayaa xusay in laamaha amniga ay kala shaqeyn doonaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhasha waxyaabaha maanka dooriya, isla markaana tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

“Sanadba sanadka ka dambeeya waxaa dalka ku soo kordhayo faaxishnimo, munkarka ayaa soo badanaya, Daroogada qeybaheeda kala duwan ayaa soo badaneysa, kaniinigii iyo cirbaddii loogu talagalay in dadka lagu duro oo aan dareemin xanuunka ee bunaannada lagu daweynayay, ayaa qofkii oo miirqaba oo aan xubin laga jrin uu cabayaa, Qamradii ayaa banaanka daadsan, kaniinigii ayaa daasan, shilal badan ayaa dhacay, waxaana taasi ay taraafikada ku sheegeen in dhallinyarada wada mooto bajaajta aysan qibrad la’aan ka ahayn balse ay isticmaalaan daroogo”. Ayuu yiri Wasiirka,

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor