Wasiirka Arrimaha Gudaha “Waxba kama ogi Ciidanka ay Dowladdu ka dejisay Baladweyne”

Iyadoo magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dejisay Ciidamo aad u farabadan oo hubeysan ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ciidankaas aan Beledweyne loo geynin amni doorasho iyo mid Shabaab toona, balse ujeedka yahay in dadka lagu cabsi geliyo, waxaana ay ku baaqeen in degdeg looga soo celiyo

Xubnaha ka hadlay tallaabada ay qaadday Dowladdu waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya , waxaana uu sheegay in uuan waxba ka ogayn Ciidanka laga dajiyay Baladweyne.

Wasiir Mukhtaar ayaa digniin u diray Ciidanka, waxaana uu sheegay in aan loo baahnayn in Ciidanka Qaranka loo adeegsado arrimo siyaasadeed, xili ay jirto casbi weyn oo laga qabo in dagaal uu ka dhaco Baladweyne.

Sidoo kale waxaa isna Goobta ka hadlay wasiirkii hore ee Waxbaarshada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, waxaana Taliyeyaasha Ciidanka uu uga digay in ay qaadaan tallaabo qaldan oo ay magaalada dagaal kaga dhalinkaraan.

Magaalada baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga dajiyay Ciidamo hubeysan,kuwaasi oo la sheegay in dowladdu ay halkaasi u gaysay, sidii ay meesha kaga saari leheed Ciidamo kale oo uu hoggaamiye Sarkaal lagu magacaabo Nuur dheere, kaasi oo haysta Ciidamo aad u hebaysan oo uu kaga soo hor jeedo Maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor