Wasiirka Arrimaha gudaha Xukumadda Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa hadda kulan la leh qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Jabhadda lamagac baxday Xaq-u-dirirka Hiiraan.
Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Hiiraanbile ee dhaca Waqooyiga Beledweyne, waxaana qayb ka ah dhallinyarada degaanka, iyadoo ay dhalinyaradu soo qaban-qaabiyeen kulanka.
Sababta ay dhalinyaradu kulankaas usoo qaban qaabiyeen ayaa ah sidii loo dhex-dhexaadin lahaa Jabhadda uu hoggaaminayo Generaal Abuukar Xuud iyo maamulka Hir-Shabeelle.
Wasiirka Arrimaha gudaha Xukumadda Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa dhageysan doona Cabashada ay qabaan jabhaddu, waxaana inta badan ay usoo bandhigi doonaan hoggaanka Jabhaddu cabashada ay qabaan.
Jabhadda lamagac baxday Xaq-u-dirirka Hiiraan ayaa dagaal xooggan waxaa ay kula jiraan Mamaulka Hir-Shabeelle ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana horay ay dagaallo uga dheceen Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.