Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo qaabilay wafdi ka socda Faransiiska

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa  Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Yurub iyo Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Faransiiska.

Waxaana wafdiga hoggaaminyay Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Christophe Bigot, kaasi oo muqdisho soo garay,isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayay.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah iyo xoojinta iskaashiga wadar geesoodka ah ee labada dal, iyadoo intii kulanku socday diiraadda lagu saaro qodobbo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dhinac.

Mas’uuliyiinta shiray ayaa Kulanka waxaa ay si gaar ah diiradda ugu saareen iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor