Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u jooga Soomaaliya, Xasan Bin Xamsa Asad, oo booqasho sharafeed ugu yimi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Qadar ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen arrimo quseeeya Xiriirka labada Dal Soomaaliya iyo Qatar.
Waxaana si gaar ah ay diiradda ugu saaareen kulankooda xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar.