Xukuumadda Xilgaarsiinta oo soo saartay Amar ka dhan ah Taliyaha Ciidanka Badda

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray Amar ka dhan ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir oo dhawaan eed u jeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Xilgaarsiinta

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Amniga ayuu ku amray Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in aanu safri Karin Taliyaha Ciidanka Badda Cabdixamiid Maxamed oo la sheegay inuu qorsheynayo inuu dalka safar Deg-deg ah uga baxo.

Qoraalka Wasiir Cabdullaahi ayaa lagu xusay in Taliye Cabdixamiid loo heysto eedeymo iyo xadgudubyo waaweyn oo uu kula kacay Madaxda Qaranka gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu ku eedeeyay inuu boobayo dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda.

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir oo dhawaan la hadlaayay warbaahinta ayaa waxaa uu Rooble ku eedeeyay inuu dhul boob ku haayo dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda, isla markaana uu ka dhisanayo guryo.

Tallaabadan amarka looga soo saaray Taliye Cabdixamiid Dirir ayaa kusoo aaday, iyada oo uu Cirka shareeray Khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor