Wasiirka amniga oo sheegay inay qaadi doonaan tallaabo amni, kadib Qaraxii Maanta

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii Maanta ka dhacay Barta Koontarool ee Madaxtooyada laga ilaaliyo ee ku taalla Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu marka hore tacsi ugu diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada iyo asaxaabta shacabka ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf-waayay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee uu fuliyay darawal waday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Wasiirka amniga ayaa Alle uga baryay inuu u naxariisto dadkii ku geeriyooday qaraxa, isla markaana waxaa uu Alle Caafimaad u weydiiyay dadkii ku dhaawacmay oo haatan lagu dabiibayo Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Muqdisho.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur in hay’addaha amniga qaadi doonaan tallaabo amniga dalka gaar ahaan Magalada Muqdiaho oo wax muuqda looga qabanayo amniga Caasimadda.

Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo ay kamid aheyd haweeney ka shaqeyneysay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ku geeriyooday qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay 9 qof kale oo shacab ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor