Wasiirka Amniga oo fasaxay qabashada Banaanbax uu diiday Maamulka G/Banaadir

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa ku dhawaaqday inay fasaxday dhigista banaanbax ballaaran oo la filayo inuu berrito ka dhaco Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga horjeedo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa waxaa Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Jeneraal Xijaar iyo Taliyaha Booliska Gobolka Farxaan Qaroole lagu faray inay sugaan amniga dadka dhigaaya banaanbaxa nabadeed.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa sidoo kale ku amartay Guddiga qaban-qaabada banaanbaxa looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo inay ka fogaadan wax kasta oo keeni kara rabashado, lana shaqeeyaan laamaha amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa shalay si Cad u sheegay in Muqdisho uusan ka dhici doonin banaanbax, wuxuuna caddeeyay in xiligaan aan Caasimadda lagu qaban karin banaanbax uusan ogeyn Maamulka Gobolka.

Maalinta berrito oo khamiis ah ayaa lagu wadaa in fagaaraha Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir uu ka dhaco banaanbax xoogan oo haatan qaban-qaabadiisa ka socdo degmooyin ka tirsan Gobolka, uuna hoggaaminayo Axmed Macalin Fiqi.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor