Wasiirka Amniga oo Digniin kasoo saaray amni darrada ka jirta Degmada Kaaraan

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in laamaha amniga ay tallaabo adeg ka qaadi doonaan kooxaha falalka amni darro ka wada degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Wasiir Cabdullaahi ayaa waxaa uu sheegay inay soo gaartay cabasho dadka deegaanka Kaaraan kasoo gudbiyeen koox hubeysan oo ku lebisan deriska Ciidanka dowladda iyo kooxo Ciyaal weero ah oo dhibaato ku haaya shacabka.

Wasiirka amniga Xukuumadda ayaa tilmaamay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono kooxaha amni darro ka wada Kaaraan, isagoona arrintaas amar u siiyey Ciidanka ammaanka degmada oo uu sheegay in la dagaalami doonaan cid kasta oo amni darro wada.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ee degan Kaaraan ayuu Wasiirka amniga dalbaday in Ciidanka ilaalada u ah aysan xabad ku ridin gudaha degmada, isla markaana dhac u geysan shacabka,  wuxuuna Saraakiisha ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga

Sidoo kale Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka bilaabi doonaan howlgalo ka dhan ah kooxaha burcada ew dhaca u geysta dadka shacabka ee marararka doodna dila dadka iyo Ciyaar weerada dhibaatada ku haayan shacabka.

Hadalkaan ayuu Wasiirka amniga ka sheegay kulan looga hadlaayay wax ka qabashada amni xumida ka jirta degmada Kaaraan oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha KMG ah ee NISA, Duubabka dhaqanka iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor