Xukuumadda oo NISA ka dalbatay inay soo gudbiso Warbixi la xiriirta xariga Mukhtaar Roobow

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  dalbaday in loo soo gubiyo warbixin ku aaddan sababta uu u xiran yahay Muqtaar Roobow, oo mar hore ay Dowladda mudda Xileedkeedu dhammaaday ay xabsiga dhigtay, iyadoo tan iyo wixii markaas ka dambeeyay ay isi soo tarayeen cabashooyinka iyo qayla dhaanta ka imaanaya ehelada maxbuuska.

Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa si gaar ah kaga dalbaday Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xariga Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Sidoo kale wasiirka ayaa muddo 48 saacadood u qabtay inay hey’adda ku soo gudbiso warbixin dhameystiran.

Ehelada Mukhtaar Roobow iyo wakiilada matala ay si joogto uga cabanayaan in aan laga warheyn caafimaadkiisa iyo badqabkiisa, sidoo kalena dalbaday in cadaalad loo helo, waxaana xusid mudan in dhawaan uu warbaahinta la hadlay Mukhtaar Roboow, isagoo sheegay in xaaald aad u xun uu ku sugan yahay cadaaladna uu u baahan yahay.

Waxaa la xasuustaa in Ciidamada Itoobiya ay bishii December 2019 Mukhtaar Roobow ka qabtay Baydhabo, kaddib amar ka yimid dowladda Soomaaliya, xilligaasoo uu isku diiwaan geliyay tartanka doorashada Madaxtinimada Koofur Galbeed, waxaana tallaabada lagu xiray ka dhashay rabshado dad badan ku dhinteen.

Qaybaha kala duwan ee shacabka Koofur Galbeed ayaana dhowr jeer dalbaday in cadalaad loo raadiyo maxbuuska oo Muqdisho ugu xiran sabab aan ilaa iyo hadda la faah faahin, maaddama horay uu ugu dhawaaqay in uu isaga baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo in muddo ah uu ka tirsanaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor