Wasiirka A/Gudaha Koonfur Galbeed oo xilka qaadis iyo Magacaabis sameeyay

Waiirka Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo maaliyadda ee degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa Yuusuf Barre Maxamed loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo maaliyadda Degmada Baydhabo,isagoo bedelaya Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmadaas Cabdifatax Cali Mursal.

Ugu dambeyntii Yuusuf Barre Maxamed ayaa waxaa la faray in xilkiisa uu u guto si cadaalad ah.

Waiirka Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maamul Cusub u magacaabay Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Banaadir ahna Caasimadda KMG ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.