Wasiirka A/Gudaha Galmudug oo Magacaabay Guddi Cusub

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamacn Waayeel ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada dhismaha Golaha deegaanka Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdi Waayeel ayaa lagu Magacaabay Guddiga oo ka kooban 13-xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii Golle deegaan loogu sameeyn lahaa Degmada Hobyo.

Sidoo kale waxaa Wareegtada Magacaabista ah lagu xusay in baahi loo gabo in Degmada Hobyo yeelato Golle deegaan, si loo dardar-geliyo Howlaha kala duwan ee ka socda halkaas.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha la Magacaabay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media