Wasiir la xanuunsanaa COVID-19 oo xoog looga saaray Diyaarad ku sii jeeday Kenya

Wasiirka Arrimaha Samafalka iyo Maareynta Masiibooyinka ee dalka Koonfurta Suudaan, Peter Mayen Majongdit  ayaa la sheegay in xalay loo diiday inuu raaco Diyaaradda ku sii jeeday magaalladda Nairobi.

Qaar ka mid ah Rakaabkii ayaa la sheegay inay Wasiirkaasi si awood leh uga  saareen Diyaaradii Kenya Airways ee uu la raaci lahaa, kadib, markii ay yaqiinsadeen inuu Wasiirka la xanuunsanaa COVID 19.

Qalabka lagu baaro Bukaanka la il-daran COVID 19 ee yaalla Garoonka Diyaaradaha ee ku yaalla Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba ayaana xaqiijiyey in Wasiir Peter Mayen Majongdit  laga helay Xanuunkaasi.

Mid ka mid ah Rakaabkii Diyaaradda ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dadkii Wasiirka xoogga uga saaray Diyaaradda. Waxa uu intaasi ku daray inay u muuqatay in Shaqaalaha Garoonka ay Heshiis Hoosaad xeer jajab ah (compromise) la galeen Wasiirka, si uu u raaco Diyaaradda.

Waxaana uu intaasi ku daray inay Shaqaalaha Diyaaradda  u sheegeen Rakaabka arrintaasi, taasi oo ay Rakaabka aad uga walaaceen Caafimaadkooda, kuna dhaqaaqeen inay Wasiirka xoog uga saaraan Diyaaradda, maadaama ay arrintaasi liddi ku ah Sharciga iyo Caafimaadka.

Dhinaca kale, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Samafalka iyo Maareynta Masiibooyinka ee dalka Koonfurta Suudaan waxa uu sheegay inuu Wasiirka ku sii jeeday Nairobi, isagoo ballan la ahaa dhigiisa dalka Kenya, si ay uga wada hadlaan, una saxiixaan Heshiiska Jawaabta Culayska Degdegga ee Xanuunka Saf-mareenka ee COVID 19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor