Wasiirkii ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Amb Baashe Cawil ayaa ku dhawaaqay inuu iska Casilay xilkii uu ka haayay Wasaaraddaas ee uu u magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Xubno ku dhow Amb Baashe Cawil, Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in Baashe uu Warqadiisa is Casilaada u gudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi.
Baashe Cawil ayaa waxaa la tilmaamay inuu saluugay xilka oo khamiistii lasoo dhaafay uu u magacaabay Madaxweynaha Somaliland, isla markaana la xusay inuu Go’aan ku gaaray inuu is Casilo
Madaxweyne Biixi ayaa maalmo kahor isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid Golihiisa Wasiirada, waxaana Amb Baashe Cawil uu kamid ahaa xubnaha uu magacaabay Madaxweynaha.