Khadiijo Diiriye oo u Jawaabtay Wasiir Xamsa, kadib hadalkii uu ka shaaciyay W/Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Xamsa Saciid Xamsa ayaa Maanta ka hadlay xaalad dhibaato ah oo ka jirtay Wasaraddaas xiligii uu xilka la wareegayay bishii Octoober 2020.

Wasiir Xamsa ayaa sheegay in markii xilka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha uu la wareegay aysan Wasaaradda laheyn Xafiis ay ku shaqeyso, isla markaana shaqaalaha ay ku shaqeyn jireen hotel iyo Guri.

Sidoo kale Wasiir Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in Shaqaalaha Wasaaradda ay fasax ahaayeen sanad iyo bar, isla markaana markii uu arkay xaaladda jirtay uu bilaabay in Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha uu xafiis u sameeyo.

”Habenkii aan la wareegay Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxaan waayay Xafiis aan subixii u shaqo tago, waxaan ugu tagay iyadoo  shaqaalaha Wasaarada  sanad iyo bar fasax isaga jiray  mushaarna qaadanayey” ayuu yiri Wasiir Xamsa.

Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka in Saddex bil ay ku qaadatay inuu Xafiis u sameeyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, uuna isku keeno shaqaalihii kala maqnaa, wuxuuna Carabka ku dhuftay in hadda Wasaaradda ay tahay mid socod barad ah.

Dhinaca kale Wasiirka Gargaarka maareynta iyo Musiibooyinka Khadiijo Diiriye ayaa ka Jawaabtay hadalka kasoo yeeray Wasiir Xamsa ee uu uga hadlaayay xaaladii ka jirtay xiligii uu Wasiir Khadiiyo kala wareegayay xilka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Khadiiyo Maxamed Diiriye ayaa tilmaamtay in Xarunta Wasaaraddii ay ku shaqeyn jirtay ay dhibaato kasoo gaareen Qaraxyo ka dhacay Muqdisho, isla markaana shaqaalihii la fasaxay, iyagoona kasoo shaqeyay guryahooda.

“War-Dowladeed warqaduu ku-yaalaa
Wasiir Xamze waxaad ka mid ahyed golihii wasiiradda ee aqbalay fasaxa shaqaallaha wasaaradda ee weydii gudigaaga anshaxa iyo kan gob-shaqo ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XJFS” ayey tiri Khadiiyo Diiriye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor