Wasiir ka tirsan Xukuumadda RW Rooble oo magacaabis sameeyay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii guud ee Wasaaraddaas Axmed Cabdi Kooshin.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Xasan Xuseen ayaa shaqada looga joojiyay Axmed Cabdi, waxaana isla wareegtda Agaasime KMG ah loogu magacaabay Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda.

Cabdiraxmaan Cunsheeye Axmed ayaa laga dhigay Agaasimaha KMG ah ee Wasaaradda, wuxuuna horey u ahaa Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Gaashaandhiga.

Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in muhiimad ay leedahay kala dambeeynta gudashada waajibaadka Dastuuriga ee Shaqaalaha Wasaaradda iyo howlaha shaqo ee horyaalla Wasaaradda oo u baahan la jaanqaadida habraacyada Cusub ee Maamulka Wasaaradda Gaashaandhiga.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ee Wasiir Xasan Xuseen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media