Wasiir ka tirsan Xukuumadda RW Kheyre oo Magacaabis sameeyay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa Magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Amar-dambe ayaa waxaa xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga si KMG ah loogu Magacaabay inuu noqdo Axmed Cabdi Kooshin, isagoo bedelaya Agaasimihii hore ee Jihaan Cabdullaahi Xasan.

Dhamaan hay’addaha dowladda Federaalka ayaa waxaa laga dalbaday inay la shaqeeyaan Agaasime Axmed Cabdi Kooshin oo si KMG ah loo Magacaabay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Magacaabista Agaasimaha Cusub.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media