Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuunadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa barnaamijyada hay’adda UNFPA Somalia Mr Andres Thomson.
Inta uu socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta wada-shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda UNFPA Somalia .
Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Madaxa hay’adda UNFPA kala hadlay howlaha mashaaricda dalka ay ka wado Hay’adda UNFPA si ay u noqdaan kuwa mira-dhal ah.
Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan ayaa tusaalayay UNFPA In adeegyada dhabta ah ee ay Umadda u fidanayso In ay ku saleeyaan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed oo ay ku cad yahiin baahiyaha dhabta ah dalkeen.