Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo is Casilay iyo sababta keentay

Wasiirkii Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaan iska Casilay xilkii Wasiirnimo ee Puntland.

Qoraal uu soo saaray Maxamuud Xaaji ayuu ku caddeeyay sababta keentay inuu xilka iska Casilo xiligaan, waxaana uu ku sheegay inay tahay in isaga iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay isku fahmi waayeen nidaamka shaqo ee Wasaaradda Kalluumeysiga

Sidoo kale Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa waxaa uu Madaxweyne Deni u gudbiyay warqadiisa is casilaada, wuxuuna rajeeyay in uu ka aqbali doono Codsigiisa.

Ugu dambeyn Maxamuud Xaaji Saalax ayaa Qoraalka uu soo saaray waxaa uu shacabka iyo dowlad Goboleedka Puntland uu u rajeeyay horumar, Nabad iyo Barwaaqo, isagoo u mahadceliyay shaqaalihii Wasaaradda uu xika ka haayay.

Si kastaba Wasiirkii Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa kal horey waxaa lagu sameeyay shaqo joojin, kadib markii uu isaga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas uu dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray.

Hoos ka Akhriso Warqada is Casilaada uu soo saaray Maxamuud Xaaji Saalax.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media